Akhristayaasha BBC Sport Oo U Codeeyey Kooxda Xilli Ciyaareedkan Ku Guuleysan Doonta Horyaalka Premier League

Codbixin ay BBC Sport ka qaaday akhristayaasheeda ayaa lagu ogaaday in taageerayaasha kubada cagta Ingariiska badankooda ay kooxda Manchester United u saadaalinayaan hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Ra’yi uruurinta waxaa ka qeyb qaatay in ka badan 56 kun taageerayaal ah, iyadoo boqolkiiba 60 ay sheegeen inay filanayaan in kooxda Jose Mourinho ay ku guuleysan doonto horyaalka taasoo ka dhigan in Mourinho uu sii wadan doono rikoorkiisa ah inuu xilli ciyaareedka labaad ee koox cusub uu mar walba hanto horyaal.

Arsenal ayaa loo saadaaliyay inay ku dhameysan doonto kaalintii ugu hooseysay intii uu tababare ka ahaa Arsene Wenger.Kooxaha Hudderfeild, Crystal Palace iyo Brighton ayaa iyagana loo saadaaliyay inay u laabanayaan heerka labaad xilli ciyaareedkan.

Miiska Saadaasha Akhristayaasha BBC Sport
Koox Kaalin
Manchester United 1
Manchester City 2
Chelsea 3
Liverpool 4
Tottenham Hotspur 5
Arsenal 6
Everton 7
Leicester City 8
Southampton 9
West Bromwich Albion 10
Stoke City 11
Watford 12
Bournemouth 13
Burnley 14
Swansea 15
West Ham 16
Newcastle United 17
Huddersfield Town 18
Crystal Palace 19
Brighton & Hove Albion 20

Manchester City ayaa ah kooxda ugu soo dhow ee dhanka saadaasha hanashada horyaalka ku xigta Man United waxaana ay heleen 18.6 boqolkiiba codadka, halka kaliya 8.6 boqolkiiba ay saadaaliyeen in Chelsea ay difaacan karto horyaalka. Waxaana kaalinta afaraad loogu saadaaliyay kooxda Liverpool.

Tottenham ayay u saadaaliyeen dadka ku xiran BBC Sport kaalinta shanaad iyadoo Arsenal loo saadaaliyay inay xilli ciyaareedkan ku dhameysan doonto kaalinta lixaad, waxaana ay haddii ay dhab noqoto ay ka dhignaan doontaa booskii ugu hooseeyay ee ay Arsenal ku dhameysato intii uu tababare u ahaa Wenger.

Maxay kula tahay saadaasha codbixinta BBC Sport? Adigu sidee ayaad u saadaalin laheyd hanashada horyaalka iyo weliba boosaska looga harayo Premier League? Qeybta hoose ee fekradaha inoogu soo qor.

ISHA LAACIB.NET

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE