Ciidamada Milateriga Oo Xirey Qaar Ka Mid Ah Wadooyinka Muqdisho Iyo Madaxweynaha Oo Kusii Jeeda ….

Qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa saake xiran, waxaana la arkayaa Ciidamada Milateriga oo meel kasta taagan iyadoo ay xireen isgoysyada muhiimka ah ee magaalada.

Isgoyska Taleex ilaa Sayidka ayey Ciidamada Milateriga xirteen, waxa sidoo kale xiran ilaa goysyada Tarabuunka iyo warshadaha sida ay soo sheegeen wariyeyaasha ku sugna magaalada Muqdisho.

Waxa xiran ilaa degmada Xamarweyne qeybo ka mid ah, waxaana wadooyinka lagu arkaa gaadiidka dagaalka ee ciidamada Milateriga Soomaaliya oo sugaya amaanka magaalada Caasiamdda ah.

Sida aan ku helnay warbixinta Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu boqdo Wasaaardda gaashaandhigga oo ay ku suganyihiin saraakiil ka titsan Ciidamada xoogga dalka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE