Dhageyso Ra’iisalwasaarihii Hore Ee Soomaali Cumar C.rashiid Oo Been Abuur Ku Tilmaamey Heshiiska Maxaabiis Kala Wareejinta Ee Ethopia Iyo Soomaaliya

Ra’iisul-wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa beeniyay in dowladdii hore ee uu ra’iisul-wasaaraha ahaa ay Ethiopia la gashay heshiis ay labada dal isku weydaarsanayaan maxaabiis iyo muwaadiniin.

Sharmaare oo wareysi gaar ah siiyay barnaamijka Martida Makrafoonka VOA ayaa sheegay in heshiiska ay golaha wasiirrada xukuumadda Kheyre ay u cuskadeen dhiibistii Cabdikarin Muuse Qalbi-dhagax uu kaliya ahaa heshiis dhexmaray Dowladda deeggaanka Soomaalida Ethiopia iyo maamulka Galmudug oo xuduudda labada dal colaadi ku dhexmartay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE