Faafaahinno Laga Helaayo Weerar Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacey Magaalada Baydhabo (Sawiro)

Faafaahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo fuliyey qof natii halige ah oo lala beegsadey maqaayad ku taalla magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur galbeed.

Khasaaraha uu geystey qaraxa ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan, dadka goobta ku dhaawacmey ayaa la sheegey in ay gaarayaan ilaa lex ruux ay geeriyoiodeen ilaa afar qof oo markii weerarka qarax uu dhacaayey goobta ku sugnaa.

Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed, oo la hadlay warbaahinta ayaa u xaqiijiyay in qaraxaasi uu dhacay, islamarkaana uu ka dambeeyey qof naftii halige ah oo isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay maqaayad lagu magacaabo Barwaaqo oo ku taala bartamaha magaaladaasi.

Maqaayadda Barwaaqo ayaa sidan oo kale sanadkii hore waxa isku dhex qarxiyey koox ka tirsanaa Alshabaab, waxaana halkaas ka dhashay khasaare xoogan oo soo gaarey koox u badan wariyeyaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE