Idaacadaha Puntland Oo Joojiyey Dhegeysiga Laanta Af Soomaaliga Ee VOA

Idaacadaha maxalliga ah ee ku yaalla magaalada Garowe ee xaraunta dowlad goboleedka Puntland ayaa joojiyey baahinta wararka ka baxa laanta af Somaaliga ee VOA.

Warbaahinta Puntladn ka howlgasha ayaa goor sii horeysey joojiyey dhegeysiga VOA, waxaana maanta ugu dambeysey arintaasi ku dhawaaqey maamulka Radio Garowe.

Agaasimaha Radio Garowe Axmed Cawil Jaamac oo la hadlay bulshada ayaa sheegey in ay go’aansadeen joojinta baahinta wararkii Idaacadda VOA ee fadhigeedu yahay dalka Mareekanka, waxaana uu sheegey in wax dan ah aanay ugu jirin sii deynta dhegeysigeeda.

Booskii laga soo taban jirey Idaacadda Mareekanka ayuu sheegey in ay ku buuxiyeen barnaamijyo kale oo ay u arkaan kuwo wax tar u leh bulshada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE