Maamul Goboleedyada Puntland Iyo Galmudug Oo Heshiis Cusub Ku Gaarey Magaalada Gaalkacyo (Video)

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku gaadhay Heshiisyo ka Kooban Qodobo Dhowr ah, iyadoo laga hadlay Sidii Xal Buuxa looga gaadhi Lahaa Xaalada Gobolka Mudug.

Waxyaabaha diirada lagu saaray ayaa waxaa kamid ahaa In la Qabto shirwayne dib u heshiisiin ah oo lagu Xalinayo Khilaafaadka Mudug, In Labada maamul ay Hirgeliyaan Heshiyadii ay Horey u wada Gaadhaaneen, in la Furo Wadooyinka Xidhan ee Gaalkacyo, Lana Kormeero Hirgelintii Xabad-joojinta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE