Waa Maanso Cusub Oo La magac Baxday “Duul Alloow Bal Ila Daya” Waxa tiriyay Abwaan,Yusuf Roobleh Xirsi (Sandoon)

Abwaanku waxa uu Maansadan kaga hadlayaa sida aanay marnaba u fiicnayn in la xalaashado ama laga dhigto hanti Gaar loo leeyahay,xoolaha iyo maalka uu dad waynahu wada leeyahay,waxaanu muujinayaa sida aanay u jirin arimaha noocaasi ah cid ka damqanaysaa taasi oo ay dheertahay diihaalka dadwaynaha ka muuqda wakhtigan xaadirka ah.

Waatan Maansadii:
1.Duruufaha adkaadiyo


2. Waayo lala dakaamiyo


3. Doolkiyo abaaraha


4. marka daaqsinwaa dhaco


5. Duulduulka sebennada


6. dadku uma masoobee


7. Alla dahabsanaayoo


8. Dunwanaagsanaa qaar


9. Damac iyo hanweynaa


10. Darna dabar hallaw iyo


12. Keli doogsi jecelaa


13. Duulbaa ammaanada


14. Dumadooda lagu raray


15. Deeq iyo u qaba siin


16. Damqo oo xishood male


17. Ka dikhood xumaa male


18. Arrimaha badhkood diid


19. Ka dambee ka digarogo


20. Damiirkooda muu siin


21. Diintoodu may qaban


22. Daayinkii abuuriyo


23. Duugga iyo Aakhiro


24. Taladooda kuma darin


25. Daya daya bal ila daya


26. Duul Alloow bal ila daya


27. Dekedaha la iibsaday


28. Dadna gaar u leexsaday


29. Daya daya bal ila daya


30. Dugsiyada xaraashka ah


31. Ardaydoodi debed taal


32. Daya daya bal ila daya


33. Dhulka boobka lagu degey


34. Daaraha la weeraray


35. Daya daya bal ila daya


36. Dillaalkiyo mallaalkiyo


37. Damdamtiyo wishiirriga


38. Daya daya bal ila daya


39. Fadhatada daldalatiyo


40. Dooxatada faraa badan


41. Daya daya bal ila daya


42. Dareenli’ida shacabkiyo


43. Damiirli’ida lagu dhacay


44. Daya daya bal ila daya


45. Maal dawladeediyo


46. Hantidii dadweynaa


47. Daya daya bal ila daya


48. Danaystaha walwaashiyo


49. Sida loogu duurxulay


50. Daya daya bal ila daya


51. Isdifaaca murankiyo


52. Madhalayska doodda ah


53. Daya daya bal ila daya


54. Culimada digaysiyo


55. Farrimaha is daba yaal


56. Daya daya bal ila daya


57. Daya daya bal ila daya


58. Duqaydiyo waxgarakuu


59. Doorkoodi maqanyahay


60. Daya daya bal ila daya


61. Suxufiga duduuciyo


62. Dadka jeelka daayimay


63. Daya daya bal ila daya


64. Isku duubnideennii


65. Dabacsanid alagu riday


66. Daya dya bal ila daya


67. Ummaddii dabayshiyo


68. Dakharada kusoo kacay


69. Daya dayab bal ila daya


70. Hanjabaadda durugtiyo


71. Dilka laysu soo bu’ay.


72. Daya daya bal ila daya


73. Reer hebel difaaciyo


74. Dildillaaca soo baxay


75. Daya daya bal ila daya


76. Danyartiyo masaakiin


77. Dulmigiyo ku tumashada


78. Daya daya bal ila daya


79. Musdambeedka dayrkiyo


80. Gidaarrada kusoo dumay


81. Intaa waxan ku darilaa


82. Dayaxaa dhac waa halis


Maansadan waxa tiriyey Abwaankeenii waynaa ee Yusuf Roobleh Xirsi(Sandoon)

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE