Xildhibaanadii Kooxda Damu jadiid Ee Mooshinka Ka Keeney Xukuumadda Soomaaliya Oo Waayey Cid U Saxiixda Mooshinka Xukuumadda (Warbixin)

Xildhibaanada kooxda Damu jadiid ee maalmahan weerarka ku ahaa xukuumadda Soomaaliya ayaa diyaariyey mooshin ay ka keeneen xukuumadda Ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre.

Mooshinka oo sababtiisa ay ku timid marmarsiyada C.kariin Qalbidhagax ayaa tiro ahaan waxa saxiixey 54-xildhibaan, kuwaas oo maanta ujeedkoodu ahaa in dooduudu ay hor geeyaan baarlamaanka fedaraalka ee Soomaaliya.

Kulan maanta u baaqdey kooram la’aan ayaa baarlamaan ayaa qaar ka mid ah xildhibaanada ay sheegeen in la fashiliyey kulankii maanta ay kusoo bandhigi lahaayeen Mooshinka xukuumadda ay kasoo gudbiyeen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in lagu guuleystey kala fur furka xildhibaanada Mooshinka saxiixey, mudanayaasha difaacaya Xukuumadda ayaa maanta fursad u helay in kala daadiyaan Xildhibaanada ay duufsadeen kooxda Damu jadiid.

Xildhibaanada Mooshinka wadey ayaa qaab qabiil uga soo horjeedeen xukuumadda Soomaaliya ayaa hadda tira ahaa kusoo koobmey 24 Xubnood, waxaana hadda ay u muuqdaan kuwo ku fashilmay hankii ay ka lahaayeen xukuumadda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE