Dagaal Culus Oo Xalay Ka Dhacey Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabeelada Hoose

Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa habeenkii xalay waxa ka dhacay dagaal culus, ka dib weerar gaadma ah oo ay soo qaadeen Maleeshiyaad laba kaarlayaal ah.

Dagaalka ayaa xooggiisa waxa uu ka dhacey Kawaanka Xaafadda Buufow, gaar ahaan laba difaac oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed iyo kuwa dowladda Fedaraalka.

Maleeshiyada laba kaarlayaasha oo doonayey in ay qabsadaan ugu yaraan difaacyada qaar ayaa halkaas kala kulmay khasaare xoog leh, waxaana weerarkooda uu noqdey mid iyaga qal qal geliyey.

Xaafadaha qaar ee magaalada ayaa waxa laga maqlaayey dhawaqa rasaasta culus ee xalay habeen barkii ka socotey magaalada Marka oo ay ku dagaalameen Maleeshiyaad laba kaarlayaal ah oo ka tirsan kooxda Shabaab iyo Ciidamada dowladda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE