Doorashadii Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Oo Dib U Dhac Uu Ku Yimid

Doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa la sheegayaa in dib u dhac uu ku ya mid ka dib markii gudiga doorashada ee fadhigiisu yahay Jowhar ay ku dhawaaqeen.

Madaxweynaha oo lagu wadey in lasoo doorto 12-ka bishan oo ku beegan maalinta Talaadada ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in dib loo dhigey ilaa maalinta Sabtida ee bilowga Todobaadka dambe.

Gudiga doorashada ayaa sheegay in waqti ahaan aanu ku filnay si ay u qabsoomi laheyd doorashada Madaxweynaha, waxaana ay sheegeen in waqti kordhinta ay ku diyaarinayaan hanaan doorasho.

Dib u dhacan ayaa Gudiga doorashada waxa uu horgeyn doonnaa Baarlamaanka Hirshabelle si ay u ansixiyaan, waxaana ay ku wargeliyeen siday sheegeen Urur Goboleedka IGAD, Wasaaradda arimaha gudaha iyo Baarlamaanka aqalka sare.

Magaalada Jowhar ayaa hada waxa ku sugan ilaa sideed Musharax oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle, oo la filayo in todobaadka soo aadan uu yeesho Madaxweyne cusub.

Hirshabelle ayaa ah maamulkii ugu da’da yaraa maamul Goboleedyada dalka ka jira, waxaan dhawaan ay xilka ka tuureen Madaxweynihii hore Cali Cabdilaahi Cosoble, oo muddo toban bilood ku fadhiyey kursiga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE