Faafaahinno Kala Duwan Oo Laga Helaayo Qaraxii Ismiidaaminta Ee Maanta Ka Dhacey Magaalada Beledweyne (Sawiro)

Faafaahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaadey maqaayad ku taalla magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Weerarka oo uu fuliyey ruux naftii halige ah aya ka dhacay maqaayad ku talla meel kudhow xarunta Gobolka, halkaas oo ay ku baashaalaan dad shacab ah iyo Ciidamada Maamulka Hiiraan.

Khasaarha ka dhashay qarax ayaa isugu jira dhismasho, dhaawac iyo bur bur soo gaarey dhismaha maqaayadda qaraxa uu ka dhacey, in ka badan seddax ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay geeriyoodeen, ilaa 15 ruux ayaa la gaarsiiyey isbitaalka magaalada.

Gudoomiyaha Gobolka Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow oo soo gaarey halka ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in khasaaraha uu koobanyahay, waxaana fariin uu u direy hey’adaha amniga.

Ciidamada amniga ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo dadka iyo gadiidka u diidaya in ay ka soo agdhawaadaan.

Qaraxan ismiidaaminta ayaa ah kii labaad uu fuliyo qof xiran jaakadaha qarxa, iyadoo jimcihii la soo dhaafay uu qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay meel maqaaxi ah oo ku taal magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ku dhinteen illaa afar ruux.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE