Gudoomiye Thaabit Cabdi Maxamed Oo Maanta Dhagax Dhigey Wadada Janaraal Daa’uud Ee Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxmed ayaa maanta dhagax dhigey Wadada Janaraal  Daa’uud oo hor marta taalada dalka jirka Daahsoon ilaa Wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho.

Dhismaha Wadada Janaraal Daa’uud ee magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah mashruuca dhismaha waddooyinka, waxaana Gudoomiye Thaabit uu sheegey in Maamulkiisa uu dhisi doono dhammaan wadooyinka magaalada ee burbursan.

Wadada maanta dhismaha laga bilaabay oo dhex marta degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabada ayaa halbowle u ah isu socodka degmooyin dhowr ah oo muqdisho ku yaalla iyo bilicda Caasimadda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE