Kooxo Hubeysan Oo Gaari Khookhan Ah Ku Rasaaseeyey Degmada Dharkeynley

Wararka laga helaayo degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay weerareen Gaari maraayey degmadaasi.

Kooxaha hubeysan oo saarnaa Gaari Noah ah, ayaa gaari khookhan ah ku horgeeyey, waxaana ka dib ay la dhaceen rasaas xoogan taas oo keentey in uu dhasho khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka goob joog ah ayaa ku waramaya in ilaa seddax ruux ay geeriyoodeeyn halka uu jiro dhaawac tira ahaan aan la sheegin, iyadoo ay baxsadeen dableyda saarnaa gaariga Noahada.

Ilaa hadda lama oga cidda saarneyd gaariga Khookhanta ah ee la wareerarey hase ahaatee goob joogayaasha ayaa ku waramaya in gaarigaas ay wateen dhalin yaro kasoo baxdey xaafadda Ceeldheer ee isla degmada Dharkiinley.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa dib uga soo cusboonaadey weerarada lagu qaadayo gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta oo inta lagu horgooyo gaari kale lala dhaco rasaas culsus

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE