Maamulka Puntland Oo Mamnuucay Shirarka Looga Soo Horjeedo Maamulka Iyo Digniin Culus Oo Loo Direy Hoteelada

Amar ka soo baxay Wasaarada Amniga Puntland ayaa lagu faray hotelada Ku yaala Puntland in aan lagu qaban Karin Wax shir siyaasadeed ah oo lagu dhaliilayo Madaxwayne Gaas iyo xukumadiisa .

Qoraalkan oo uu Ku sixiixan yahay Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdulaahi Yuusuf Waxaa lala socod siiyey dhamaan laamaha amaanka Puntland ,Taliska booliska ‘Gudoomiyaasha Gobolada iyo degmooyinka, mulkiilayaasha Hotelada , iyadoo Madaxtoyada la ogaysiiyey ayaa qoraalkan lagu yiri

“Iyadoo maalmahan la qabanayey Shirar qarsoodi ah lid Ku ah xasiloonida iyo nabad galyada Puntland waxaa la farayaa dhamaan lamaha warqadani sida tooska ah ugu socoto in aan la qaban Karin wax shir siyaasadeed ah oo lagu khalkhal galinayo Amniga iyo Xasiloonida Puntland”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaardda amniga Puntland .

Arintan ayaa ku soo beegmaysaa ,iyada oo qaar kamid ah siyaasiyiinta Puntland ugu tunka weyn ay diyaar garow balaaran ugu jiraan doorashada xigta ee Puntland ooo mudo koobani ay ka harsantahay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE