Maleeshiyada Liibaan Madaxweyne Oo Maanta Toogtey Askari Ka Tirsan Ciidamada Janaraal Sheegow

Maleeshiyada Liibaan Madaxweyne ayaa maanta weerar khasaare geystey ku qaadey Askar ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ka amar qaata Janaraal Sheegow.

Askarta la weerarey ayaa maraayey inta u dhaxeysa Xerada Laanta Buuro iyo deegaanka Caddow-dibelle, waxaana laga soo raacey sida aan wararka ku helnay deegaanka Bariire oo ay ku wada sugnaayeen.

Warar ay heshay Markacdey.com ayaa sheegaya in maalmahan deegaanka Bariire uu ka taagnaa daan daansi iyo xiisad labada dhinac ah, waxaana maanta Maleeshiyada Liibaan Madaxweyne ay si bareer ah u dileen askari, xilli uu saarnaa Mooto kusii jeeddey degmada Afgooye.

Sidoo kale warar aan helnay ayaa sheegaya in dilka ka dib maleeshiyada Liibaan Madaxweyne ay si jees jees ah  Mobelka uga waceen Janaraal Sheegow oo ku sugnaa Xerada Aala-yaasir, iyagoo ku war geliyey in uu soo doonto Meydka.

Caawa maqribkii ayaa askarigaas meydkiisa waxa la geeyey degmada Nambar 50, si halkaas loogu aaso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE