Qaar Ka Mid Ah Dowladaha Khaliijka Oo Dhaqaale Ku Bixinaya Sidii Xilka Looga Tuuri Lahaa Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya (Xog)

Iyadoo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka fedaraalka ee Soomaaliya ay wadaan Mooshin xil ka qaadis ah oo ku socoda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa soo baxaya warar kala duwan.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in dowlado ka tisan Khaliijka ay kusoo biireen Mooshinka xil ka qaadista ee xukuuamdda Kheyre, waxaana lagu soo waramayaa in dhaqaale badan lagu bixinayo sidii uu u najaxi lahaa Mooshinka.

Dowladaha Khaliijka sida Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa heshiis qarsoodi ah la galay xildhibaanada ugu afka dheer ee wada Mooshinka, waxaana ay u balan qaadeen lacago ay ku soo jiidanayaan xildhibaanada xil ka qaadista ka qeyb qaadanaya.

Madaxweyne Farmaajo oo ku caan baxay siyaasad dhex dhexaad ah ayaa dhankiisa wada sidii xal loogu heli lahaa arintan, waxaana uu wadaa kulamo uu ku qancinaayo Xildhibaanada mashuulka geliyey Madaxtooyada.

Dhinaca kale Ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay sidii uu u kala fur furi lahaa xildhibanaada Mooshinka keenay, isagoo adeegsanaya qaab beeleed iyo qaab maamul Goboleed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE