Wariyeyaal Ku Dhaawacmey Qaraxii Ka Dhacey Magaalada Beledweyne

Kooxo Wariyeyaal oo ku sugnaa halka maanta uu ka dhacay ee magaalada Beledweyne ayaa waxa kasoo gaarey dhaawac kala duwan halka qaarkood ay halis ugu jiraan waxyeelada soo gaartey.

Ilaal seddax wariye oo u kala shaqeeya hey’ado warbaahineed ayaa dhaawacooda waxa la dhigey Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne, iyadoo mid ka mid ah dhaawaciisa laga deyriyey, oo uu ku suganyahay xaaladda aad u liidata.

Wariyeyaasha Beledweyne ayaa soo sheegay in seddax wariye ay ku joogeen markii qaraxu dhacaayey maqaayadda la bartilmaameedsadey C/Shakuur Maxamed oo u shaqeynayay Idaacadda Starfm iyo Saabtv, C/Qaadir Cumar Ibraahim RTN iyo Simba iyo Cabdullahi Cismaan Macallin Jubaland TV iyo codka hiiraan.

Magaalada Beledweyen ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu amniga fiican marka laga hadlayo dhinaca qaraxyada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE