Dhageyso Dhabane Cabdi Abow Maxamed Oo Ku Dhaawacmey Weerarkii Maanta Ka Dhacey Deegaanka Muuri

Cabdi Abow Axmed oo maanta ku dhaawacmey deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeelada hoose oo wareysi siiyey Markacadey.com ayaa waxa uu ka waramey waxa qabsadey isaga iyo qaar ka ka mid ah saaxiibadiisa ooo weerarka ku geeriyoodey.

Dhabanaha oo markii wareysiga laga qaadeeyey ku sugnaa Xerada Aal-yaasir ee degmada Nambar 50, ayaa sheegey in ku dhawaad 20 dabley ah ay rasaas oodda kaga qaadeen xili ay maraayeen Laamiga Deegaanka Muuri.

Dableyda rasaasta ku furtey ayuu ku sheegay in ay ahaayeen Maleeshiyada Alshabaab oo si dhuumaaleysi ah ku yimid deegaanka, waxaana uu intaa hadalkiisa raaciyey in ay geeriyoodeen laba ka mid ah saaxiibadiisa islamarkaana labo kale ay baxsadeen, halka isaga dhaawac uu soo gaarey.

Waxa uu intaa hadalkiisa ku darey in ay ahaayeen muruq maalato ku shaqeysta gaari damaar oo dhuxul geeya Muqdisho ama Afgooye.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE