Jaaliyadda Gobolka Shabeelada Hoose Ee Sacuudiga Oo Kulan Soo Dhaweyn Iyo Casho Ah U Sameeyey Qaar Ka Mid Ah Xujeeyda Sanadkan (Sawiro)

Xaflad ballaaran oo lagu qabtey magaaladda Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Arabiya oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Beesha Biimaal ee Jiddah ayaa soo dhaweyn iyo casho sharf loogu sameeyey qaar ka mid ah Xujeydii Sanadka.

Munaasabad heer sare loo soo agaasimey ayna ka qeyb galeen qaar ka mid ah Beelaha dega Gobolka Shabeelada hoose ayaa xujeyda lagu soo dhaweeyey, waxaana xafladda kalimado kala duwan ka jeediyey Xujeydii xafladda loo qabtey iyo marti shartii ka qeyb gashay.

Xildhibaan Axmed Macallin Cumar Nadiir oo ka mid ah Munayaasha aqalka sare ee Baarlamaanka fedaraalka iyo Nabadoon Maxamed Abuukar Timagaduud ayaa ka mid ah Xujeda soo dhaweynta iyo casho sharafta lagu marti qaadey.

Hoos ka aqriso qodobadii kasoo baxay Shirka

1. jaaliyada oo tageertay Nabadii uu soo qaaday Janaraaal Cabdulaahi Waafoow

2. Shirarkii Wadatashiga ahaa 4Biimaal iyo Adeerkooda ay isugu yimaadeen oo kadhacay magaalada muqdisho Golihii guurtada ahaa oo lagu dhisay hotel SYL oo taagero balaaran loo muujiyay

3. Waxaa kaloo baaq cod dheer ah loogu soo jeediyey dowlada Somaliya inay Gobolka Sh.hoose ay si deg deg ah ugu soo qaado Moryaan Liibaan Madaxey oo dhawaan ay dejisay tuulada Bariire ee Gobolka Hh.hoose iyo in wax laga qabto xasuuqa kasocda maati leysk ee ka socda Magaala Marka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE