Maleeshiyada Kooxda Alshabaab Oo Laga Saarey Degmada Beled Xaawo, Ka Dib Dagaal Saake Ay Kula Wareegeen

Subaxnimadii hore ee Isniinta ayaa dagaalyahano ka tirsan al-Shabaab gudaha u galeen degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo taas oo kaabiga ku haysa Magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Dadka Beled Xaawo ayaa qaar kamid ah warbaahinta u sheegay in dagaalku ku bilowdey gaari al-Shabaab ku soo rareen waxyaabaha qarxa oo ay ku weerareen saldhig ciidamadu ka deganaayeen dhanka bari ee magaalada kadib rasaasta ayaa is qabsatey dhinac kasta ee magaalada.

Ciidamada Kenya ayaa bilaabey in ay magaalada duqeeyaan, waxaana hawada sare ee magaalada laga arkaayey diyaaradaha qumaatiga u kaca sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Kenya ay ku khasbeen al-Shabaab in ay isaga baxaan Beled Xaawo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE