Weerar Dhimasho Iyo Dhaawac Dhaliyey Oo Maanta Ka Dhacay Deegaanka Muuri Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in halkaas maanta uu ka dhacay weerar dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa laba qof ayaa lagu dilay mid kalana waa lagu dhaawac ka dib weerar gaadma ah oo lagu qaadey dad dhuxulley ah (Muruqmaalato) oo maraayey deegaanka Muuri, kuwaas oo ka yimid dhinaca degmada Afgooye.

Muruq maalatada ayaa gaarayey ilaa shan ruux, waxaana la sheegay in ay ka warheleen rasaas xooggan oo oodda looga qaadey markii ay ku beegnaayeen bartamaha laamiga deegaan, iyadoo dableydii weerarka geysatey ay baxsadeen.

Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ayaa dhacdada ka dib halkaasi gaarey waxaana ay kasoo qaadeen Meydadka iyo ninka dhaawac ah, oo goordhow la geeyey xerada Aala-yaasir.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE