Baarlamaanka Soomaali Oo Kulan Xasaasi Leh Iyo Dooda Kiiska Qalbidhagax Oo Bilaabatey

Xarunta Golaha Shacabka ee baarlamaanka fedaraalka ayaa waxa ka socda kulan ay leeyihiin xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta u madalsanaa ka doodusta arinta ku saabsan C.kariin Qalbidhagax.

Waxa xarunta ka socota doodaha xildhibaanada ay jeedinayaan, waxaana lagu soo waramayaa in dood adag ay u dhaxeyso Xildhibaanada oo la garab u kala saftey.

Mudanayaasha qaar ayaa taageerey oo difaacey go’aankii xukuumadda Soomaaliya ka qaadatey kiiska Qalbdidhagax halka kuwo kale ay ku doodayaan in Xukuumadda ay ku qaldaneyd dhiibista Sarkaalka ONLF.

Kulanka oo uu shir gudoominayo Gudoomiyaha Baarlamaanka fedaraalka Maxamed Sheekh Cumsaan Jawaari ayaa laga yaabaa in laba qodob midkood uu kasoo baxa, in Golaha marka ay dhameystaan doodooda ka dib ay cod u qaadaan kiiska, halka laga yaabo in kiiskan loo xil saaro Gudiga joogtada ee xukuumadda Soomaaliya.

Arinta ku saabsan C.kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa jahawareer siyaasadeed geliyey xikuumadda Soomnaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE