Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta U Balansan In Ay Ka Doodaan Kiiska Xukuuamdda Ee C.kariin Qalbidhagax

Gudiga joogtada Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya ayaa shir ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho kasoo saarey in Golaha Shacabka ee Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya ay ka doodi doonaan Kiiska ku saabsan C.kariin Qalbidhagax.

Baarlamaanka fedaraalka ayaa doonaya in maanta ay dood ka yeeshaan sida laga yeelayo C.kariin Qalbidhagax oo gacanta loo geliyey dowladda Itoobiya, waxaana lasoo sheegayaa in ay jiraan xildhibaano u ololeenaya in arintaasi ay noqoto mid xasaasi ah.

Xildhibaanada daneenaya doodda kiiskan ayaa sida wararka qaar sheegayaan raba in Mooshin lagu dhex qariyo muranka xukuumadda, iyagoo taasi u arka fursado ay ku loodin karaa xukuumadda talada haaysa.

Waxa sidoo kale jira siyaasiyiin badan oo dadaal gelinaya in cadaadis xoog badan la saaro xukuumadda Xasan Cali Kheyre, waxa dhinaca kale jira xildhibaano daneystayaal ah oo ka faa’ideysanaya kiiska sarkaalkii ONLF oo gacanta ugu jira dowladda Itoobiya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE