Dad Weyne Isugu Soo Baxay Wadooyinka Muqdisho Iyo Waxqabadka Xukumadda Oo La Taageerey (Video)

Banaan bax ay ka qeyb qaateen boqolaal dadweyne ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, banaan baxan ayaana ah mid lagu taageerayey Xukuumada Soomaaliya.

Dadka banaan baxa dhigayey ayaa socod ku maray Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana dibad baxayaasha ay wateen boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay ku taageerayaan Xukuumada talada haaysa.

Amaanka Laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan halka ay banaan baxyadu ka socdaan ayaa la adkeeyay, waxaana la xiray Qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho si loo adkeeyo amaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE