Dagaal-ooge Liibaan Madaxweyne Oo Laba Ujeedo Dartood Loo Dejiyey Deegaanka Baraiire (Warbxin)

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa todobaadkii aan soo dhaafney Maleeshiyaad hor leh soo dejiyey deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose.

Maleeshiyadaas oo u badan isbaarooley iyo kuwo qaab qabiil u shaqeeya ayaa waxa horjooge u ah Liibaan madaxweyne oo ka mid ahaa dagaal oogayaashii xasiloonida u diidey Gobolka Shabeelada hoose.

Dhowr ujeeddo ayaa Saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhiga ku kaliftey in ay soo nooleeyaan rajada Liidata ee Liibaan madaxweyne uu ka lahaan karo Shabeelada hoose.

Waa marka koowaade Deegaanka Bariire bartamihii bishii hore waxa lagu laayey Maleeshiyaad laba kaarlayaal ah oo qaab qabiil u abaabulnaa kana tirsanaa Kooxda Alshabaab, waxa ay qeyb ka ahaayeen in dagaalada barakicinta ee loo adeegsado labada magac ee Shabaab iyo qaab beeleed ah.

Sida muuqata culeys xagga Milateriga ayaa soo food saarey laba kaarlayashii lagu ilaalinaayey Beeraha xooga looga qabsadey Shacabka aan hubeysneyn.

Dagaal ooge Liibaan Madaxweyne ayaa waxa loogu talagalay in uu ilaaliyo ama uu ka hortago weeraro laga yaabo in ay la kulmaan laba kaarlayaasha weli ku hubeysan Beeraha xoogga lagu haaysto, oo awood ahaan hoos u dhacay maadaama meesha laga saarey awooddi Shabaab oo si weyn ay ugu dangiigsanaayeen.

Waa Marka labaade Beesha dhul boobka ka wada Shabeelada hoose ee Habargidir ayaa awood ahaan iyo siyaasad ahaan ka daciifsan sida sanado badan ay ku ahaayeen Gobolka Shabeelada hoose, labadii sano ee lasoo dhaafey waxa ay dhaqaalo ku bixiyeen si ay uga sii mid ahaan lahaayeen Alshabaab ilaa laga helaayo awood Milateri oo dowladeed oo dib usoo nooleysa hankooda siyaasadeed iyo mid dhuleed.

Kooxda Alshabaab oo gaarsiis u aheyd soo noqoshada awoodaha Milateri ee dhul boobka ayaa boorsooyinkooda iyo teendhooyinkooda kasii qaadanaya dhulka ay ka joogaan Shabeelada hoose.

Laba kaarlayaasha Habargidir ayaa badbaado u arka in saraakiisha dowladda ay ka dhex arkaan dagaal oogayaal sida Liibaan madaxweyen ama Xasan Jaamici si loo difaaco.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE