Dhageyso Maamulka Koonfur galbeed Oo Xabsiga Dhigey Siyaasiyiin Iyo Odey Dhaqameedyo

Wasaaradda Amniga Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal lagu xiray siyaasiyiin iyo dad kale oo abaabulayey falal amni darro ah.

C/qaadir C/raxmaan Cali Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Koonfur Galbeed Soomaliya, ayaa sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid qorshaysan islamarkaana lagu qabtay siyaasiyiin badan oo haystay hub sharcidaro ah.

Waxa uu sheegay in howlgalada laga sameeyay deeganada Koonfur Galbeed Somaliya in lagu qabtay shaqsiyaad lagu tuhmaayo in ay ka qeyb qaataan falalka amniga lidiga ku ah ee ka dhaca deeganada Maamulkaas.

Dhanka kale Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Maamulkaas ay mar walba diyaar u yihiin sidii loo xaqiijin lahaa amniga deeganada Maamulkaas kadib markii ay ka dhaceen qaraxyo ay fuliyeen shaqsiyaad isa soo miidaamiyay oo ka dhacay goobo dad badan ay iskugu imaadaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE