Kooxo Hubeysan Oo Magaalada Marka Ku Dilay Wiil Dhalin yara ah

Kooxo hubeysan ayaa Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose, habeenkii xalay waxa ay ku dileen Wiil dhalin yara ah.

Dilka oo ka dhacay bariga magaalkada Marka ayaa sida wararka aan ku heleyno waxa ka dambeeyey kooxo ku hubeysan Bistoolado oo la tuhunsanyahay in ay ka tirsanayaayeen Maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

War ay heshey Markacadey.com ayaa ku waramaya in wiilka la dilay uu ka mid ahaa dhalinyarada magaalada Marka ku dhalatey, isagoo muddo sanado ah uu ka mid ahaa Kooxda Shabaab.

hase ahaatee ku dhawaad sanad ayaa la sheegayaa in uu ku xirnaa Xabsi dowladda leedahay, maalmo ka hor ayaa lasoo daayey,  Shabaabkii u la shaqeyn ayaa jirey uga shakiyey in uu ka baxay shaqadooda oo muddo uu xabsi u galay.

Kooxo bistoolad ley ah ayaa rasaas ka haleeshey qeybaha sare ee jirkiisa ku furey xalay fiidkii xilli uu kusii jeedey gurigiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE