Siyaasadda Ka Dambeysa Dhiibista Qalbi Dhagax..? W/Q Sultan Jamal Qaran Ujoog

Wadaniyaddu ma aha buug furan oo maalin walba qof lagu qoro qofna laga tiro, balse waa dareen qofku uu ku jeclaado, ku difaaco kuna aamino Dalkiisa, Dadkiisa & Dowladiisa si wadajir ah.

Wadanigu maaha daljecli kaliya mana aha dowlad jecli kaliya mana aha sidoo kale dadjecli kaliya balse waa dareenka wadareed ee qofku uu ku jeclaado ama ku difaaco DADKIISA, DALKIISA & DOWLADIISA.

Mar hadii intaa aynu wada fahanay aan guda galno maqaalkan, sxb siyaasadu wey ka mug iyo miisaan weyntahay falaqeynta aan raadka laheyn ee lagu hayo social media waayo aaladaan waxaa loogu talagalay in dowladdu u isticmaasho kaliya in lagu baahiyo xogta larabo in la gaarsiiyo bulshada lkn uma isticmaasho dowladdu in ay ku saleyso go’aanada masiiriga ah ee dalka.

Dhiibista Qalbidhagax iyo go’aanka golaha wasiirada ka sokoow, ma ogtahay xogta siyaasiga ah ee u qarsan dowladda oo aanan lala wadaagi karin shacabka? Ma ogtahay in eedeynta ONLF iyo Qalbidhagax in looga gol leeyahay qancinta shacabka iyo wanaajinta xiriirka dowladda Ethiopia?.

Iigu kaalay halkaan oo ogoow in kiiska dhiibista qalbidhagax ay ka weyntahay Farmaajo iyo Kheyre balse laga soo maleegay bariga dhexe oo ay riixayaan SaudiArabia iyo Khaliijka, looguna talagalay in dowladda soomaaliya cagaha loo galiyo dabin siyaasadeed maadaama xulafada sacuudigu hogaaminayo aysan raali ka aheyn go’aankii dhexdhexaadnimada ah oo dowladeenu ka qaadatay khilaafka wadamada islaamka ee bariga dhexe.

Soo qabashadi Qalbidhagax kadib ReysulwasaarahaEthiopia ayaa ka dalbaday dowladda soomaaliya in lagu wareejiyo Qalbidhagax oo iyaga ugu xukuman dambiile(Argagixiso), intaas kadib ayaa sucuudiga iyo xulafadiisu soo adeegsadeen siyaasiyiin ka tirsan dowladda iyo kuwa talada ka dagayba si dowladda loogu cadaadiyo in aan Qalbidhagax loo dhiibin Ethiopia iyadoo sucuudiga iyo xulafadiisu ay aaminsanaayeen in madaxweyne Farmaajo marna uusan ogolaaneyn dhiibista Qalbidhagax taa badalkeedana si fudud u go’o xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ethiopia, si dowladda soomaaliya ay unoqoto mid ku jirta go’doon siyaasadeed maadaama uu hadda gaabis yahay xiriirka dowladeena kala dhaxeeya Sacuudiga iyo Khaliijka.

Sida ay qabaan website yada ugu afka dheer ee wax ka qora siyaasadda africa in Soomaaliya ay dhalisay Gool siyaasadeed maadaama xiriirka Ethiopia iyo Soomaaliya oo go’a ay qatar amni iyo mid siyaasadeed ba ku tahay Soomaaliya, waayo Soomaaliya oo aad u tabar daran maanta ma awoodo in ay u babac dhigto siyaasadda Ethiopia waxaana culeys noogu filan in Ethiopia ay hub iyo saanad siiso cadawga umadda soomaaliyeed oo ah Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo iyo Reysulwasaarihiisa waxaa horyaalay go’aan ay adkeyd in loo bareero oo ah in dowladeena taakta darani ay lumiso xiriirka kala dhaxeeya Ethiopia iyo in ay lumiso 50% kalsoonida shacabka oo ay dowladdu ogeyd in ka faaideysanayaan siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda.

Miyeysan aheyn in shacabkeenu fudeed dartii dowladiisii horana udumiyey(1991) walina uu doonayo inuu udumiyo.

MaHawaawireysaa?

Sultan Jamal Qaran Ujoog

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE