Soobandhigidda Xaqiiqadii Bariire Iyo Dagaalka Dawlad Doon Iyo Dawlad Diid W/Q Aqoonyahaan Yuusuf Omar

Bulsho ama dal waxa uu qiimihiisu yahay marka uu dawlad yahay. waxaa tusaale kuugu filan inaga soomaalida ah dib u eeg taariikh deena.waxaynu ahayn dad iyo dal ka muuqda aduunyada oo loo yaqaanay libaaxyadii afrikada madoow. waxaynu ahayn afrika intii laguumaystay oo dhan dalka kaliya ee qaradaas hindisay in ay afkooda qoraan dalkana kumaamulaan guud ahaantiis,halka intooda kale afrika gumaystihii yimid afkiisa ka dhaqan galiyay oo ilaa hada isku maamulaan.

Maanta heerka aynu joogno waa wada aragnaa iyadoo ay uugu wacan tahay oo kaliya dawlad la aanta ina haysata 27 sanadood. Waxaan xasuustay xili aan ku sugnaa 1972 dalka masar ayaa  nin khabiir ah oo la oran jiray Dr.cabdiraxmaan xamiid aan ka sheekaysanay arimaha caalamka xiligaa ka taagnaa waxa uu yiri “Ogoow dawladnimada oo la xajistaa waa hormarka kaaga aadba awoodid in aad burburisid ee, dawladu waa nolasha noloshuna waa dawlad”

qofka nasabka ah ayaa raba nolol iyo nabad diin iyo dal,xornimo,wadaniyad, soomaalinimo, waxa uu u dhintaa oo doonaa had iyo jeer dawladnimo,kolkaa isagu waa dawlad doon.Qofka gunta ah inan gumeedka ama liitaha hooseeyaa waa kan aan dan kalahayn diin,dal,soomaalinimo, xornimo,sharaf,dadnimo laakiin raba uun dhuuni xaaran ah,gumaysi u adeeg, kolkaa isagu waa dawlad diid. dadku waa labadaas.

 Burburkii Dawladii Soomaaliyeed 1991

Dalkeena waxaa ka dhacay inay abuurmeen jabhado kala horeeyay oo ladagaalamay dawladii jirtay. Jabhadahaas oo kala ah SSDF,SNM,USC,SPM oo salka ku hayay taageero dawlada eithiopia iyo dalalkalaba.Dawaladii markii la riday jabhaduhu malahayn talo midaysan oo markaa ay ku hantaan talada  dalka si dawlad nimadu aysan meesha uga bixin gabi ahaanba taasoo dhacday jaantaa rogan.waxaan oran karaa horaantii horeba ma ahayn jabhaduhu kuwo isku hadaf ah iyo u jeedo ah in dalka isbadal laga rido ah dhisid dawlad ka wanaagsan tii amrkaa jirtay,nin ba dhankiisuu ka ridayay dawlada isagoo aan doonayn kankale.waxaa intaa dheer siyaasadaha guracnaa ee gumaystaha ama cadawga diidanaa jiritaanka dawlad soomaaliyeed.

Hubkii Dawlada Oo Ganta U Galay Makas Iyo Caruur

Dawladii hadii la riday,dalkiina uu noqday hogaan la aan waxaa dhacday in hubkii dawladu u gacan galay caruurtii iyo wax ma garatadii,arinkiina loo roogay in dadku isu xasuuqo qabiil qabiil,lagmana sheekayn karo wixii halkaa ka dhacay.caasimadii dalku waxay noqotay xero dhiig iyo hooy dugaag iyo kawaan dad qalato oo soomaalidu isku cunto sidii dugaagii.beel soomaaliyeed ayaa isugu soo hartay caasimadii iyadoo ninkastaa dagaankii uu kasoo jeeday u cararay si uu ubad baado. hubkii dalka yiilay intiisa badan gacantooduu galay,waxay ku duuleen gobolada koonfur oo dhan iyo bartamaha soomaaliya, waxay dileen naftooda iyo nafkasta oo dhaqaaqda oo la arko. tani waa dhibaatada dal markuu waayo dawladnimo uun.

 Isku Daygii Dawladihii La Dhisay Xiligii Burburkii Dawladeed Kadib Si Dawlad Loo Helo

Waxaa layiri rag talo kama dhamaato,sidaa daraadeed isku day baa la sameeyay ah in dawlad la helo.Waxaa la doortay Madaxwayne Ali mahdi,waxaa la filayay bal in uu ugu yaraan xakeeyo amaan darada ka taagnayd Mogdisho iyo in uu dadkan gobolada koonfureed boobaya hantidii iyo beerihii dadkana xasuuqaya wax ka qabto cayri caymo ma diida ah.nasiib daro iyagii buu ku sii kaalmeeyay inay sii haystaan marka,baraawe,baydhabo,kismaanyo taasoo aan laga filayn.

Waxaa hadana soomaali isku raacday bal in beeshaas caasimada kaligood dagan ee haysata hantidii guud iyo midii gaar ahaaneed ee soomaalidii wada daganaan jirtay caasimada ka dhaxaysay hadana iyaga loo doorto si ay bal waxa uga qabtaan dhibkan.Waxaa la doortay Madaxwayne Abdiqasim salaad hayeeshee caasimadii amaankeediina waxba kama uusan qaban nasiib daro,beeshiisii dulmiga ku haysay shabeelada hoose iyo jubooyinka iyo baydhabana wuuba kusii taageeray oo ciidamo udiray xoojiya oo tuutihii dalwlada xiran. dadkii waxay yiraahdeen war Ali mahdi baa kan karoonaa!!  waxaa yaab iyo ma hadho noqotay dawlad sii taageeraysa nin dulmi ku haysta hantidii qaranka soomaaliyeed mid guud iyo mid gaar ahaaneedba.

Markaan dadkii wuxuu fakaray bal in markaan cidkale la doorto soomaali waxay dooratay Madaxwayne Abdullahi yusuf. Markii ba waxay kala horyimaadeen waanala qabsanayaa,eithipian ayuu wataa,odaygu wuu arsanayaa.u jeedada oo dhamina waa uun dawlad diid.madaxwayne Abdullahi yusuf waxa uu ku guulaystay in uu caasimadii wax ka qabto haba yaraatee,amaankii iyo in uu xaruntii madaxtooyadii soomaaliya dib ufuro oo dago dibna loo habeeyo oo dawladu ka shaqo biloowdo,qabiilkii dagnaana uu kararay.Tanoo keentay in maanta dawladihii kadanbeeyay ay ka dhaxlaan baarlamaan iyo xafiisyo iyo ciidan dawladeed oo ah meel wax laga sii wadi karaayay. waa marka kaliya ee dalkeena tan iyo burburkii lays orankarayay waxa dhashay dawlad garanaysa hanaanka dawladnimo oo rabta kala danbayn iyo dawladnimo.

Waxaa hadana marka la doortay mid beeshaas ah oo la isyiri war wakaas oo ninkii iyaga aan ahayn cabsi bay ka qabaan oo marabaan ee bal iyaga hadana aan doorano bal inay wax kasaan, Hayeeshee waxaa la doortay SHIIKH SHARIIF wuu dadaalay laakiin waxba kama qaban wixii loo doortay.

Waxaa yimid oo hadana la doortay Madax wayne Xasan sheikh oo markii hore loo qatay nin leh hadaf siyaasadeed oo raba in uu soo celiyo nidaamkii iyo kala danbayn tii dawladeed.markiiba waxaa la ogaaday uu shaqo galay in uu ku sifoobay madaxwayne dalkaan soomaray kii uugu liitay,ugu macan gagsanaa,iibinaayay sharfkii soomaaliyeed diintii iyo dalkiiba. waxa uu garab aan caadi ahayn ku siiyay beelihii qabsaday dhulka shabeelada hoose oo uu hubkii dawlada iyo ciidankii dawlada u isticmaalay dadkii shacabka ahaa oo intaa dulmanaa halkii uu dulmiga ka dulqaadi lahaa sida dawlad lagu yaqiinay. waxa uu ahaa nin beenta aan ka xishoon oo inkira wuxuu hada sheegayay. madax wayne ka xun soomaali masoo marin taariikhda illaahaybaase na dhaafshay oo soomaali bad baadiyay.

Bariire Baroorteeda Baroor Baa Ka Horaysay!!

Waxaad ogtihiin in 1991 dii laga soo bilaabo in beelo soomaaliyeed,oo hubkii dawladii gacanta u galay ay qabsadeen deeganada shabeelada hoose iyo beeraha bariire,halkaasoo cagta lamariyay dadkii lahaa beeraha iyo dagaankaas guud ahaanba.dawladii dhaltaaba waxay ku sii kaalmaysay in dadkaa dulmiga lagu haysto sidaa loo sii haysto,waxaana sabab u ah waxaa marwalba madax wayne noqda isla dadkaa haysta beeraha.waxayna u arkeen in ay ku dhaxal wareejiyaan dadkaas,kana shaqeeyaan sidii ay uga hortagi lahaayeen dawlad shaqaysa oo dalka ka dhalata.waxayna diidan yihiin in gacantooda ay ka baxdo hay adihii dawliga ahaa oo ay maamushaan,sida isgaarsiinta,taleefanada,boostada,jaamacaadka,iskuulaadka,fiisooyinka,bangiyada,ganaacsiga,lacago samaynta,ciidan oo dhan.dhulkii beeraha,guryihii dawlada,kuwii shacabka ka qaxay xamar iyo marka. dawladnimo madoonayaan xarantaaseey dan moodeen.

Waxay lashaqaystaan cidkastoo cadaw ku ah in dawlad soomaaliyeed dhalato oo shaqaysa.

 Bariire Xaqiiqda

Bariire ma dhul hada la helaybaa? bariire yaa daganaa xagay ku taal? bariire dhul hada la helay maha,dad baa lahaa in yari kasii noo shahay intii kalana la xasuuqay,inta noola beeraha lagu fasho mudo ah 27 sanadood oo la adoon sanayo. dadkaasi waa biyo maal,waa jareer wayne,waa tuni,iyo guud ahaan digil.Ma ogtahay soomaalidu xaqiirnimo heer ay ka gaareen xaqa iyo runa ma sheegaan! ma ogtahay in la adoonsado dad maanta oo laga dhigo kuwo xoog beeraha ay iyagu leeyihiin loogu falo wixii kasoo baxana la iib geeysto iyagana la qadiyo? ma ogtahay in beesha hiraab maha hawiye oo dhan inay dulmigaa wado mudo 27 sanadood ah. Waxaa isku bahaystay dagaankaas 3 qolo oo cadaw ku ah jiritaanka shacabka soomaaliyeed iyo dawlad nimadooda mododaas dheer.

1.Hiraab qabsaday dhulkaa shabeele 1991 ee dawlad goboleedka koonfur galbeed kamidka ah hada.

  1. Ururka kuwan afka duuban ee diinta ku gabada oo ay heshiis wada yihiin waxay boobeena ay wada cunaan

2.ciidamada uu XASAN SHEEKH geeyay ee iyaguna lamidka ah oo ku biiray labadaas hore,hadafkuna yahay in dhulkaa la qaato oo la dhaxlo lagu beermo oo kuwii lahaa la duudsiyo laga dhigo sida cali baysteenka ameerika ama red indians.

Shacabkii soomaaliyeed ee digil ee halkaa daganaa 3 daas cadaw ayaa helay,oo hal isku ah islana shaqeeya oo iyagu isma dilayaan!!!!!!

Farmaajo Madaxwaynaha Sidii Shamso Soo Daahiray Ee Lagu Diirsaday

Gobolka shabeele waxa u muuqatay,dawlad nimo cadaalad iyo sinaan iyo inay helayaan xaqoodii,waxaa dhacday in meel aywada joogeen oo beer aywada haysteen 3 daa aan korkusoo sheegnay oo aanba suuro gal ahayn in ay meel wada joogaan.waa askar dawladeed,waa mid diin sheeganaya,waa mid beer umadeed xoog ku haysta dadkiina laayay? sharciyan meel mawada joogi karaan iyo aqliyan ilaa waa daalinkii oo shaatiga uun inoo badashay. iyadoo xaaladaas ay kusugantahay BARIIRE ayaa FARMAAJO MADAX WAYNAHA UMADA SOOMAALIYEED GEESIGA AHI usoo diray ciidan edbiya shayaadiinta ku habsatay BARIIRE 27 sanadood jaqaayay dhiiga masaakiinta. ciidankii xooga soomaaliyeed ee farmaajo diray ayaa lugta mariyay ehlu naaradii halkaa kusugnaa. dawladuna sida sharciga ah wixii ka dhintay iyo wixii ay dileen intaba waa aaseen.meelkastoo dagaalka dhacana waa sidaa. markii danbiilayaashii dawlad diidka ahaa la edbiyay maxaa dhacay?

Sidii ay dagaaladii mogdisho markay socdeen u oran jireen inta qof jareer ah ama looma oo yaan ah usoo qabtaan orad kumar halkaa kadibna si ay u fahmaan halka laga soo toogtay ee loogu jiro ayagoon dan kalahayn qofkan naftiisa ay haligayaan sidii si lamid ah ayay sameeyeen oo inta dad masaakiin ah oo digil ah soo laayeen caruur iyo haween iyo ragba ayay qaar kamid ah ragii oo 9 ah maydkoodii keeneen MOGDISHO iyagoo dadkii u sheegaya in maydkaani yahay HIRAAB DAWLADU LAYSAY!!!! dadkii dhalay masaakiintaan lalaa yay iyo kuwii la dhashayna mahadli karaan oo xataa war maydka aan aasano waa laga hor istaagay mogdishana ma imankaraan. Adiguba is waydii ma kula tahay dad mayd ah oo u dhashay hiraab oo eheladoodii taagan yihiin ayaa maydkooda niman kolba dhan u jiid jiidi lahaayeen ilee ay qurmaan oo soo uraan in kabadan usbuuc? maya markiiba waa qaadan  lahaayeen oo aasan lahaayeen runtu waa taa. diintu ma ogola in mayd layska haysto oo la beecsado. dadkii soomaaliyeed inta lalaayo hadana maydkooda lacag halaygu siiyo HIRAAB AYAA LAGA HAYAA. waxaase yaab leh marka laga reebo dadka dagaanka shabeelada hoose in dadkii soomaaliyeed laga dhaadhiciyay in maydadku ahaayeen HIRAAB!!!!!!!! oo dadku u haystaan run dhagartii shaydaan ee diin laanta ahayd.

Ninka 27 sanadood dad soomaaliyeed gumaysanaya,intuu hada xasuuqay maydkooda dawladu lacag ha igu siiso ina leh,ninka ninkii wasiir dilay hadana leh dawladi ma dili karto oo diidan shaqo dawladeedba,ninkan intaa hortaagan soomaali inay hesho dawlad shaqaysa ninkaa miyaa maanta inoo garaacaya durbaan ah nin baa la dhiibay oo soomaali ah oo waa ka naxayaaye dawlada rida!!!?

Dadkan aad maydkoodo beecinayso soomaali maha miyaa? dadkan aad gumaysanayso oo aad ilaa hada xasuuqayso soomaali maha miyaa? mise soomaali ayaa kaayelayso dadkooda aad gumadaayso waa LOOMA OOYAAN!? dhanqankaagu ma uun dumiyaay baa? dhisay afkaagu makaro miyaa waligaaba?

Gunaanad

Waxaan leeyahay umada soomaaliyeed ha xisaab tanto hana u istaagto in lahelo sida uugu fudud ee dawladani caga heeda uugu istaagi lahayd markaasaan iska celinkaraa ethiopia,markaasaan iska celinkaraa,kuwa gaalada u shaqeeya khaainul wadanka ah,markaasaan iska celinkaraa kenya.laakiin dawlad madoonayo markii lay taabtana waa cabaadaya garasho gaaban weeye iyo dawlad diidnimo. miyaad iloow deen markaynu shalay dawlada ahayn in ZANAAWI oo jab had ah aynu ku haynay mogadisho inagoo dan kaleh eithipia oo ay ka xun yihiin arinkaas waxna aysan ka qaban karin waayo dawlad baan ahayn shaqaysa oo dhisan.mantana dawlad la aanta aad tahay eithiopia dabcan way kaa shaqaysan. dagaalku waa dawlad diid iyo gumaysi ku shaqaysanaya oo kadanbeeya iyo dawladoon wadani ah waxaana guusha leh dawlad doon. wadaniga soomaaliyeed waxa uu is waydiinayaa iyada oo aan caadifadi jirin xaqiiqdana la abaarayo,ma moodaa in la joogo xiligii soomaalidu is waydiin lahaayeen suuro gal ma tahay in bal hada la eego in dawladu u guurto magaalo kale oo caasimad loo caleemo saaro si bal hada markaa loo yagleelo maamul shaqeeya oo hela fursad amaan oo uu ku shaqeeyo sida wasaaradihii oo dhamaystiran xafiis yadoodii.

Maxaayeelay dhismuhu macno samayn maayo hadaan amaan jirin amaankaa muhiim ah dawladina ku shaqayn kartaa.dhulkeenu waxa uu leeyahay magaalooyin badan oo ku haboon in ay noqdaan caasimad una qalma.

Waxay ila tahay in tani ay tahay xalka mushkilada dalkeena ee nusqarniga taagan. waxaana soo jeedin lahaa laba magaalo oo kala ah BAYDHABO AMA CEERGAABO Waayo dad dawladnimada ku farxaya oo soo dhawaynaya ayaa dagan labadaas meelood sidan ogahay oo GOB AH.meeshii ladoortaan raacayaa shuruud la aan madama xal aan doonayno qarankeenii aan ku bad baadsano isbadal baa larabaa xaga caasimada ah.

Aqoonyahaan Yuusuf Omar mashruuc5@hotmail.com

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE