Warbxin Maxaad Ka Taqaan Taariikhda Dadka Loo Yaqan Rohin-ka (Burma)

Taariikhda Muslimiinta Myanmar, tiradooda iyo sababta ka dambeyso gumaadka lagu hayo war bixin dheer .

Myanmar ( BURMA), waa wadan ku yaala koonfur bari Aasia wuxuu xuduud la leeyahay Bangladesh, China, Laos, iyo Thailand. Cabirka dhul ahaaneed ee Myanmar waa 676,578 square kilo meter, wuxuuna ku cabir yahay wadanka France. Population kiisa waa 52 million.

Official name ka wadanka waa Republic of the Myanmar. 1989 ayaa laga badalay magaciisii hore ee Burma. Wadanka Myanmar xurnimadiisa wuxuu qaatay 1948, wuxuuna ka qaatay wadanka ingariiska.

Caasimadiisa………. Naypyidaw

Madaxweynaha ……. Htin Kyaw

Lacagtooda …………. Burmese Kyat

Luqadooda ………….. Burmese

Waa Kuma Rohingya?

Waa dad muslimiin ah kuwaasoo ku nool wadan dadkooda ugu badan eey yihiin BUDDIST loona yaqaan Myanmar ( BURMA)

Dadka Rohingya waxa lagu tilmaamaa iney yihiin dadka ugu badan aduunyada ee loo dhibaateeyo diin ahaan, qowmiyad ahaan, iyo siyaasad ahaan. Dadka Rohingya ee ku nool Myanmar tiradoodu waa 1.1 million, lkn tiradooda guud waa 2,229,000, luqada eey ku hadlaana waa Ruaingga loomana tixgaliyo iney ka midyihiin qowmiyadaha dalkaasi ku noo oo tiradoodu gaareeso 135 qowmiyadood. Si lamida qowmiyada Rohingya waxaa loo diidana iney qaataan dhalashada dalkaas ilaa 1982 markaasoo loo aqoonsaday iney yihiin dad aanan wadan laheyn.

Halkee Aey Ka Yimaadeen Rohingya?

Muslimiinta waxa eey ku noolaayeen meesha hada loo yaqaano Myanmar ilaa qarnigii 12-aad (1,100 ilaa 1,200), taasoo laga soo xigtay taariikh yahano Rohingy ah.

Inta lagu guda jiray 124 sano ee British ku gumeysanayay Myanma(1824 – 1948) waxaa jiray tiro muhaajiriin shaqaalo ah kuwaasoo hada loo yaqaano Myanmar waxey ka soo haajireen India iyo Bangladesh, sababtoo ah maamulkii British ka ahaa ee Myanmar xukumaayay wuxuu hoos tagay India. Muslimiintii iyo dadkii ku noolaa Myanmar gumeystihii ka hor waxaa ka tiro batay dadkii soo haajiray dalkoodana waxey ka noqdeen minority.

Markey xurnimada qaateen kadib xukunka dalka wuxuu gacanta u galay dadkii usoo haajiray dalkaas waayo majority ga dalka ayaga ayaa noqdeen waxeyna isku sifeeyeen iney yihiin dadka dalkaan loogu yimid. Dowladii markaasi jirtay oo u badneed Buddist waxey u aragtay sharci daro dadkii dalkaan usoo haajiray intuu British ka gumeysanaayay waxeyna u diiday sharcigii muwaadinnimo ee wadankaas.

Dadka eey markaas ku tilmaamtay iney yihiin dadka dalkaas usoo haajiray majority goodu wuxuu ahaa Rohinga. Sida aan qoraalkeena kusoo sheegnay muslimiinta Rohingya dalkaas waxey ku noolaayeen qarnigii 12-aad, British kana wuxuu dalkaasi qabsaday qarnigii 19-aad. Farqiga meeshaas kaaga soo baxaaya waxey u dhacesaa sida-tan, dadka muslimiinta ee Rohinga iney Myanmar ku noolaayeen gumeystihii ka hor 7 qarni , yihiina dadka asal ahaan dhulkasi leh xoogna looga qaatay dhulkooda. waxaa kasii daran dowladihii jaarka la ahaa wexee diiden inee usoo gudbaan dhankooda wexeena ka xirteen xuduudihii dalalka waxaa ka mid ah Bangaladesh waana mid ka hor imaaneso xeerarka qaramada midowbay dadka hadee ahaan lahayeen dad aan muslim aheen dunida oo idil wey qeelin lahayeen balse waa dad muslim ah aan cidna u damqanen haba yaraate

Buddist yaasha dalkaasi Myanmar ka arimiya oo Muslim naceybka ka buuxo, dadka Rohingya waxey asalkoodu ku tilmaamaan iney yihiin Bengali, xaq eeyna u laheyn iney ku noolaadaan dalka Myanmar waayo waxey u diideen sharcigii muwaadinnimo, adeegii dowladeen iyo fursadihii shaqo eey xaqa u lahaayeen. Taa waxey ugu badaleen iney dalka ka baro kiciyaan, xasuuqaan, guryahana ka gubaan,

Ugu dambeyntii walaalayaal aan u duceyno walaalaheen muslimiinta ah ee ku nool Myanmaar, aan la’xanuunsano, aan la’damqanno xasuuqa iyo barakicinta lagu haayo

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE