Janaraal Cabdulaahi Waafow Iyo Janaraal Sheegow Oo Booqdey Taliska Ciidanka Degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Taliyaha Guutada Ciiltire Janaraal Sheegow ayaa booqasho ku tagey qeybaha ay ka koobantahay degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Janaraalka oo uu la socdo Gudoomiye Cabdulaahi Cali Axmed Waafow oo indha indheyn ku sameeyey taliska Ciidamada dowladda iyo difaacyada looga soo horjeedo cadowga Alshabaab.

Labada mas’uul ayaa khudbado qiima badan u jeediyey Ciidamada difaaca hore, waxaana ay ugu baaqeen in ay ku ad adkaadaan difaaca Shacabkooda, iyagoo soo hadal qaadey in la heli doono xuquuqda iyo cadaaladda in muddo ah ka maqan.

Dhinaca kale Taliyaha Guutada Ciiltire ayaa balan qaadey in kaalin mug leh uu ka qaadan doono sidii madax banaani ay u heli lahaayeen Shacabka Shabeelada hoose oo boob kala duwan lagu haayo.

Janaraal Sheegow iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa si wanaagsan ula dhacsan dagaalka is difaaca ah ee ka socda Gobolka Shabeelada hoose.

Filo Goordhow Sawirada Booqashada

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE