Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galey Bandhigga Caalamiga Ah Ee Buugaagta Oo Lagu Qabtey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Ra’iisalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galay bandhigga caalamiga ee carwada buugaata, oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Carwada ka iibsadey buugaagta lasoo bandhigay qaarkood oo ay qoreen dad Soomaali ah, isagoo qorayaasha Soomaaliyeed ku amaanay soo bandhigdda himiladooda.

Kasoo qeyb galayaasha ayuu ku dhiira geliyey in ay soo bandhigaan buugaag kala duwan oo lagu qorey afka hooyo iyo kuwo lagu qorey afka qalaad, si bulshada ay uga faa’ideystaan aqoontooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE