Siyaasiyiin Xil Ka Waayey Maamulka Koonfur galbeed Ayaa Shir Ay Ku Yeesheen Muqdisho Ku Dhaliiley Madaxweyne Shariif Xasan (Sawiro)

Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqameed uu horkacaayey Wasiirkii hore ee Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Maamulka Koonfur galbeed Cabduqaadir Caraale ayaa maanta shir waxay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Ujeedada shirka ayaa aheyd in la eedeeyo Maamul Goboleedka Koonfur galbeed iyo soo jeedinta baaq xil ka tuuris ah oo lagu sameynayo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Siyaasiyiin iyo Odayaal albaabada uu ka xirtey hogaanka Koonfur galbeed ayaa madasha hadalo kala duwan ka jeediyey, waxaana ay dhaliileen waxqabad la’aanta iyo fadhiidnimada Maamulka fadhigiisu yahay Magaalada Baydhaba.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE