Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Dib U Hubeysey Dagaal Oogayaal, Hubka Iyo Ciidanka Dagaal-Ooge Kasta Lagu Soo Hubeeyey (Xog)

Sanado ka dib waxa dib loosoo celiyey dagaal-oogayaashii xasiloonida u diidey Gobolka Shabeelada hoose, oo horseedey dagaalo ba’an oo sababey in dhiig si gara ah loo daadiyo

Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya oo fulineysa ballan qaad ay la gashey Gudi Beeraley ah oo xoog ku haaysta Beero ay leeyihiin dad shacab ah ayaa soo nooleeyey dagaal oogayaashii qeybta ka ahaa dagaalada dhul boobka ee Gobolka Shabeelada hoose.

Ilaa afar dagaal ooge oo weli gacmaha ku sita Mindiyihii uur dooxa ahaa ayaa iyagoo waji cusub wata loosoo xil saarey in ay hogaamiyaan howlgallada lagula dagaalamayo Alshabaab si ay u fuliyaan danahooda gaarka ah ee ku saleysan dhul ballaarsiga iyo midka dhaqaale ee beeshooda ay ka leedahay Gobolka.

Dagaal-oogayaashan Liibaan Madaxweyne, Liibaan Dhawaaq, Xasan Jaamici iyo Aadan Laba afle oo dhamaan kasoo jeeda Gobolada dhexe (Habargidir) ayaa u xil saaran ilaalin masaalixda Beeshooda ee kasoo jeeda Gobolada dhexe, waxaana lagu hubeeyey Gaadiid dagaal iyo Maleeshiyaad si toos ah uga amar qaadan doona Talisyada ay ragani joogaan.

Daagl-ooge Liibaan Madaxweyne

Liibaan Madaxweyne Waxa uu joogaa Bariire hub ahaan wuxuu u haaystaa 11 Cabdile ah, 7 ka mid ah Waxa saaran dhashiike, halka 4 ay dul banaan yihii, 15 qori oo daba jeex ah iyo 450 Maleeshiyo oo isugu jira Isbaarooley iyo Mooryaan qaab beeleed loosoo qorey.

Dagaal-ooge Xasan Jaamici

Xasan Jaamici Wuxuu isku haaystaa Shalambood iyo Buulo-mareer Waxa uu haaystaa 7 gaari oo 4 ka mid ah ay iyihiin Cabdibile, Cabdi bilayaasha ayaa laba ka mid ah waxa ku xiran dhashiike, 7 qori PKM ah iyo maleeshiyo gaaraya 280 oo qeyb ka ahaa kuwii uu u adeegsadey dagaaladii dhul boobka ee Gobolka ka socdey.

Liibaan Dhawaaq Waxa uu joogaa Laanta buuro Gaadiid dagaal waxa lasoo siiyey 4 Cabdi bile oo dul banaan ah iyo 9 qori oo PKM ah iyo 150 Maleeshiyo oo loogu tala galay in ay qeyb ka noqdaan soo rogaal celinta dagaalada dhul boobka ee Gobolka Shabeelada hoose.

Dagaal-ooge Aadan Laba Afle

Aadan Laba afle Ninkan wuxuu xukumaa Maleeshiyada Guuto Seddaxaad oo uu ka halaagsamey dagaal oogihii Goobaale, inta ugu badan ee hubkii Goobaale ayaa yaalla degmada Baraawe oo talis u ah Laba afle.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE