Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe Oo Maanta Gaarey Magaalada Doolow Ayaa Kulamo La Leh Maamulka Degmada Iyo Saraakiisha Amaanka (Sawiro)

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”ayaa maanta booqasho ku tagey degmada Doolow oo ku taal xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland oo xiran dareeska ciidamada ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Doolow waxana uu kulamo la leeyahay maamulka degmada Doolow iyo saraakiisha ammaanka.

Qaar ka mid ah wafdiga la socday Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxa ay sheegeen in ay booqashadiisu la xiriirto u kuurgalidda xaalada nololeed iyo tan ammaan ee ka jirta degmada Doolow.

Booqashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubba ayaa imanaysa iyadoo xaalada ammaan ee degmooyinka hoos yimaada maamulka Jubbaland ay ka jirtey cabsi kadib markii dhowaan ururka Alshabaab uu weerar ku qaaday degmada Beled-Xaawo oo ku taal xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada maamulka Jubbaland iyo ciidamada howlgalka AMISOM ee ku sugan deegaanada Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay heegan la geliyay kadib markii ay kordheen weerarada ay Alshabaab soo qaadayaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE