Dagaalkii Ka Socdey Magaalada Muqdisho Oo Xoogeystey Iyo Saraakiil Ku Hanjabay In Ay Ka Adkaan Doonaan Ciidamada Xasilinta

Saake aroortii ayaa dagaal xoog badan waxa uu ka qarxey Xaafadda Haanta dheer  oo ku taala degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalka leysku adeegsanayo hub kala duwan.

Dagaalaka oo u dhaxeeya Ciidamada xasilinta Caasimadda iyo Kooxo hubeysan oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa yimid ka dib markii Ciidamada xasilinta ay isku dayeen in ay hubka ka qaadaan Nin hubeysnaa hase ahaatee waxa halkaas ka dhashey dagaal ilaa hadda socda.

Kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda Ciidamada xasilinta Caasimadda ayaa qoryaha culus la fuuley dhismayaal dhaadheer iyo Haanta dheer oo ay ka tuurayaan rasaas ay adag tahay in loo gudbo.

Waxa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Kooxaha hubeysan oo u abaabulan qaab beeleed ay gurmadyo ka heleen Ciidan kale oo ku beel ah oo isla wasaaradda gaashaandhiga ka tirsan.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda Gaashaandhiga ee Milateriga ayaa ku hanjabay in dagaalka ay ka bixi doonin illaa ay ka gaaraan hadafka ay ka leeyihiin oo ah in ay soo afjaraan Ciidamada Xasilinta Caasimada.

Dagaalka ayaa dhaliyey khasaare kala duwan, iyadoo ay halkaas ku barakaceen dad u badan barakacayaal oo markii hore xerooyin ka sameystey halka ay ku taallao haanta dheer.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE