Deg Deg Maamul Goboleedka Hirshabelle Oo Yeeshey Madaxweyne Cusub

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Goboleedka Hirshabeelle ayaa doortay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, ka dib dorasho adag oo ka dhacdey Jowhar.

Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ku guuleystey doorashada, isagoo ka cod badiyey sideed musharax oo xilka kula tartameysey, Codad gaaraya ilaa 74 cod ayuu kaga guuleystey Musharxii ugu dambeeyey ee xilka kula tartamaayey.

Doorashada oo ay ku tartamayay Musharaxiin gaaraya ilaa iyo sideed Musharax ayaa ugu dambeyntii, waxaa isku soo haray wareegii ugu dambeeyay Maxamed Cabdi Waare iyo sidoo kale Daahir Cabdulle.

Madaxweynaha cusub ee uu yeeshey maamulka Hirshabelle ayaa isla xarunta lagu dhaariyey, iyadoo hadda ay socdaan khudbaha Madaxweynaha cusub iyo mas’uuliyiinta hoolka ku sugan, waxa uu bedelayaa madaxweynihii hore ee Cali Cabdilaahi Cosoble oo xilka ay ka tuureen Baarlamaanka Hirshabelle.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE