Deg Deg Xildhibaan Mahad Salaad Iyo Yuusuf Indhacade Oo Gaarey Halka Uu Ka Socdo Dagaalka Muqdisho Iyo Ciidamada Xasilinta Oo Loo Soo Bixiyey

Wararka aan ka helayno xaafadda Haanta dheer ee degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir oo saake uu ka qarxey dagaal culus ayaa lasoo sheegayaa in halkaas ay gaareen Xildhibaan Mahad Salaad iyo Yuusuf Indhacade.

Labadan Nin ayaa Taliska Ciidamada Xasilinta weydiistey in dib loosoo bixiyo Ciidamada saake howlgalka ka wadey qeybo ka mid ah degmada Dayniile, iyadoo goordhow lasoo saarey Ciidamada.

Maleeshiyadii ka tirsanaa Milateriga Soomaaliyaa ee qaab beeleedka u abaabulnaa ayaa la sheegayaa in laga dejiyey dhufeysyadii ay fuulleen, waxaana hada banaanbax uu ka socda xaafadaha Soona-key, Haata, dhaae Jaamacadaha iyo meelaha ku dhow dhow.

Saacadihii lasoo dhaafey ayaa gurmad xoogan oo ka tagey degmada Afgooye wuxuu ku biirey dagaalka looga soo horjeedey Ciidamada Xasilinta oo saake aroortii howlgal qorsheysan ku tagay Deyniile hase ahaatee dagaal loogala hor yimid.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE