Faafaahinno Kasoo Baxaya Dagaalo Culus Oo Ka Socdo Qeybo Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho

Dagaal culus ayaa waaberigii saake ka bilaawdey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Haanta dheer oo ku dhow isgoyska Exkoontarool Afgooye.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamada xasilinta ay isku dayeen in howlgal hub ka dhigis ah ay ku sameeyaan kooxo hubeysan oo halkaasi degenaa, waxa ka dib halkaas ka qarxay dagaal lasoo sheegayo in ilaa hada uu socdo.

Haanta dheer oo ka tirsan degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa dagaalka ka socdo waxa ku biirey gurmadyo labada dhinac xoojinaya, iyadoo dadka deegaanka ay ku waramayaan in si xoogan loo maqlayo hubka dhinacyada ay isku ridayan.

Kooxaha hubeysan ee la dagaalamaya Ciidamada Xasilinta Caasimada ayaa la sheegayaa in ay fuuleen Haanta dheer ee halkaasi ku taalla si ay isaga caabiyaan Ciidamada Xasilinta, dadka xaafadahaas degen ayaa ka wel welsan dagaalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE