Kooxo Hubeysan Oo Maanta Si Xoog Ah Kula Wareegay Guri Ku Yaalla Magaalada Marka

Warar aan ka helnay magaalada Marka ayaa ku waramaya in maanta dabley hubeysan ay u tageen Nin muruq maalata ah oo ka mid ah dadka degan magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Ninkan oo degen Xaafad u dhow Masaajidka Raxma, gaar ahaan suuqa biraha ayaa saake waxa xoog gurigiisa kaga bixiyey dabley hubeysan, iyadoo lasoo sheegayo in dhamaan banaanka loosoo saarey qoyskii Guriga ku dhaqnaa.

Sida ay noo sheegeen dad goob joogayaal ah, dableyda oo loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen Kooxda Alshabaab ayaa Ninka oo lagu magacaabo Shariif Shooli waxay ugu tageen Gurigiisa, ka dib ayey ku amreen in qoyska iyo aabaha banaanka usoo baxaan.

Intaasi ka dib ayey Guriga saarteen Quful, si aan loo galin, haweeneyda u dhaxdey Ninka Muruq maalka ayaa warar aan helnay ay sheegayaan in jirdil lagu sameeyey.

Shariif ayaa sida la sheegayo Guriga maanta sida xoogga ah looga soo saarey ku deganaa Kiro, mana la oga ujeedada ka dambeysa dhaqanka maanta ka dhacay magaalada Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE