Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Oo Booqdey Xero Ciidan Oo Ku Taalla Magaalada Bedelxaawo (Sawiro)

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo safar shaqo ku jooga Gobolka Gedo ayaa gaaray Magaalada BeledXaawo isagoo booqday Xero Ciidan oo ay Ciidamada Darawiishta ku leeyahiin duleedka Magaalada halkaas oo dhawaan ay weerar ku qaadeen Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Sarakiil sare oo katirsan Dowlada iyo xubno labada gole kasocda waxaa ay soo kormeereen xerada oo ay hada si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada Jubbaland iyadoo Madaxweynahu uu qudbad u jeediyay Askarta Dowlada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE