Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Degmada Ceelwaaq Oo Ay Gudaha U Galeen Maleeshiyada Kooxda Alshabaab

Waxa kacsan xaaladda degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ka dib markiiay gudaha u galeen boqolaal Maleeshiyaad ah oo ka tirsan Kooxda Alshabaab.

Ciidamada dowladda Fedaraalka ee ku sugnaa Ceelwaaq ayaa isaga baxay ka dib markii halkaas lagu soo qaadey weearar dhowr jiho, iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal kooban oo labada dhinaca u dhaxeeyey.

Warar lagu baahiyey baraha bulshada ee Alshabaab ayaa sheegaya in degmada Ceelwaaq dagaal lagula wareegay hase ahaatee Saraakiisha Ciidamada xoogga ee halkaasi jooga ayaa sheegay in xeylad dagaal ay uga baxeen degmada.

Wel wel xoog leh ayaa soo wajahay dadka deegaanka, maadaama Alshabaab dhyaqankeeda uu yahay in gumaadaan Shacabka ku dhaqan meelaha ay qabsadaan.

Al-Shabaab ayaa miinooyin ku xiray saldhigii iyo xarumihii degmada, waxaana dadka deegaanka ay ku amreen inay banaanka isugu soo baxeen, iyagoo ugu khudbeeyay suuqa xoolaha degmada Ceel waaq.

Weerarka Al-Shabaab ku qaadeen degmada Ceel waaq ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu booqanayo Gobolka Gedo, waxaana uu xalay ku hoyday degmada Beledxaawo oo maalmo ka hor Shabaabka weerareen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE