Wareegii Koowaad Ee Codbixinta Doorashada Hirshabelle Oo Lasoo Gabagabeeyey Iyo Laba Musharax Oo Isku Soo Harey

Waxaa goor dhow la soo gaba gabeeyay tirinta cododka wareega koowaad ee doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedya Hirshabeelle, iyadoo Musharax Maxamed Cabdi Waare uu ku horeeyo cododka wareega koowaad.

Doorashada oo ah mid xiiso leh ayaa Musharax Maxamed Cabdi Waare uu la soo baxay dar dar aad u xooggan, waxaana uu hada ku hoggaaminayaa 44 cod

Sidoo kale Musharaxa ku xiga Daahir Cabdulle Cawaale ayaa leh 20 cod, halka Musharaxiinta kala ah Cabdi Faarax Laqanyo iyo C/naasir xaaji Shirwac ay leeyihiin min 6 cod islamarkaana ay ku dhowaaqeen inay Tanaansuleen.

Inkastoo ay xumaadeen illaa 18 cod, waxaa la rumeysan yahay in cododkan ay natiijada ay aad wax uga bedeli karaan, cidii labada Musharax hesho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE