Wasiiro Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Dowladda Fedaraalka Ee Soomaaliya Oo Gaarey Magaalada Jowhar

Magaalada Jowlada ee xarunta Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa waxa ka socota qaban qaabada doorashda Madaxweynaha Maamulka oo lagu wado in maanta halkaas ay ka dhacdo.

Wafdi isugu jiro xildhibaano iyo Wasiiro ayaa gaarey magaalada Jowhar si ay gob joog uga noqdaan doorashada Madaxweynaha ee maanta la qabanayo, si ay wax badan uga ogaadaan doorashada Madaxweynaha bedeli doona Cali Cabdilaahi Cosoble oo bishii hore xilka laga qaadey.

Xildhibaanada soo gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Daahir Amin Jeesow,xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoy,Senatar Nacima Ibraahim Yuusuf iyo Senatar Maxamed Xuseen Raage.

Sidoo kale waxaa halkaasi gaarey Wasiirka Arimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, iyadoo wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha.

Ilaa siddeed musharax ayaa u taagan qabashada xilka Maaanta loo tartamayo, iyadoo diyaar garowgii ugu dambeeyey uu ka jiro magaalada jowhar.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE