Weeraro Isugu Jira Mid Toos Ah Iyo Mid Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaadey Magaalada Garbahaarey

Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in halkaas caawa lagu qaadey weerar xoogan oo ay soo qaadeen maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Alshabaab weerar is qarxin ay ah ku daah fureen xero Ciidan oo ay degenyihin Ciidamo ka tirsan kuwo Milateriga Soomaaliya, waxaana ka dib xigey weerar toos ah oo ay soo qaadeen koox ku diyaarsanaa xerada banaankeeda.

Waxa jira warar sheegaya in qarxa labaad oo ismiidaamin ah uu ka dhacay Xerada gudaheeda, hase ahaatee aan la ogeyn qaabka uu u dhacay, iyadoo dagaal xoogan uu ka dhacay Xerada Milateriga ee Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Garbahaarey.

Ciidamada  dowladda Itoobiya ee fariisinka ku leh Garbahaarey ayaa bilaabey in ay hub culus ku garaacaan goobaha ay ka dagaalamaan maleeshiyada Shabaab ee weerarka soo qaadey, iyadoo xerooyinkooda aanan ka bixin.

Boqolaal Maleeshiyaad ah ayaa sida wraraku sheegayaan lasoo dhigey dhamaan wadooyinka magaalada Garbahaarey, waxaana xaalad adag laga soo sheegayaa magaalada oo dagaalkii ugu xooganaa ay ku qaadeen Alshabaab.

Todobaadkii lasoo dhaafey ayaa weerar kale waxa lagu qaadey xero Milateri oo ku taalla degmada Beledxaawo halkaas oo uu ka dhashay khasaare xoogan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE