Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Deegaanka Kala-Beyr Ee Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya deegaanka Kalabeyre ee duleedka magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in halkaas saake uu ka dhacay Weerar hubeysan.

Sida wararka aan ku heleyno weerarka ayaa yimid ka dib dagaal qorsheysan oo ay soo qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Alshabaab, oo ku dhuumaaleysanayey deegaano Hiiraan ku yaalla.

Ciidamada dowladda ee joogey Isgoyska kalabeyr ayaa muddo kooban lagala wareegay Koontaroolka koowaad ee deegaanka hase ahaatee markii dambe ayey dib ugu laabteen, iyadoo halkaas ay isaga baxeen Alshabaab.

Saraakiisha Ciidamadsa dowlada ee Hiiraan ayaa sheegay in gurmadyo xoogan ay u direen Ciidamada lagu soo wararey Kalabeyr, waxaana ay sheegeen in si buuxda Koontaroolkaas ay u maamulaayaan Ciidamada dowladda.

Isgoyska Kalabeyr oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa ku yaalla wado mashquul badan oo isku xirta ilaa seddax deegaan oo kala aha Bartamaha, Koonfurta iyo xadka Itoobiya ee Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE