Darawal Gaari U Wadey Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Oo Lagu Toogtey Degmada Afgooye

Cabdifataax Deeqow oo ka mid ahaa Darawalada la shaqeeya Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose Ibraahin Najax ayaa waxa lagu toogtey degmada Afgooye.

Marxuumka ayaa markii hore waxa soo gaarey dhaawac, inta aanu geeriyoon ka hor ayuu bixiyey xog ku aadan cidda toogatey iyo sababta ka dembeysey, isagoo sheegay in loo beegsadey aano qabiil.

Toogashada oo dhacdey xilli habeen ah ayaa warar kala duwan ay kasoo baxaayaan, warar ayaa sheegaya in marxuumka loo toogtey aano, ka dib dilal qorsheysan oo magaalada ka dhacay oo loo qaatey in beeshiisa ay geysatey.

Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in dilka Cabdifataax deeqow loo geystey ku xomeyn lagu xomeenayo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose oo uu darwal u ahaa, iyadoo la sheegayo in uu degmada Afgooye ka baxsadey Gacan ku dhiiglaha wax diley.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada ayaa waxa ku sugan maleeshiyo beeleed degmada u diidan xasilooni iyo nidaam dowladeed, hase ahaatee waxa markan ay u muuqdaan kuwo bilabay beegsiga shaqaalaha Maamulka Gobolka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE