Madaxweynaha Cusub Ee Hirshabelle Ayaa Ka Hadlay Dagaalada Alshabaab Ee Gobolka Iyo Xiisadaha Siyaasadeed Ee Maamulkiisa (Video)

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay Waxyaabaha ugu horeeyo ee uu wax ka qaban doono Maamulkiisa.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in uu wax ka qaban doono Xalinta dagaal beeleedka iyo dagaalada Al-Shabaab ee Gobalka ka socda kuwaas oo go’doon giliyay magaalooyin badan oo Hirshabeelle ka tirsan.

Sidoo kale Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle ayaa soo hadal qaaday Magaalooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab ee ku yaala deegaanada Hirshabeelle waxa uuna sheegay in dhawaan laga dul qaadi doono go’doonka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE