Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Booqdey Xarunta Akadeemiya Goboleedka Afka Soomaaliga (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday Xarunta Akaadeemiya Gobolleedka Afka Soomaaliga (AGA) oo xurunteedu ku taal magaalada Muqdisho. Waxuuna balan qaaday in dawladiisu ay gacan ka gaysan doonto sare u qaadidda Dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu maanta ku yimid xaruntan, wuxuuna tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la soo nooleeyo dhaqanka iyo suugaanta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE