Taliyaha Nabadsugidda Kaxda Oo U Geeriyoodey Dhaawac Soo Gaaray Oo Ay U Geysteen Kooxo Hubeysan

Taliyihii Nabadsugida degmada Kaxda Maxamuud Xasan Macalin C/raxmaan oo ku magac dheer Qooley uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas dabley hubeysan ku fureen gaarigiisa xilli uu marayay Xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenley.

Taliyaha oo dhaawac ahaan loo geeyey Isbitaalka Madiina ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawacaas, waxaana la sheegay in rasaasta ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Taliyaha uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Dableyda hubeysan ee weeraray gaariga uu la socday Taliyaha ayaa la sheegay in gaarigii ay wateen ay ku hor-jareen, dabadeedna ay rasaas ooda uga qaaday gaariga, waxaana markiiba goobta ku geeriyooday Askari ilaalo u ahaa.

Dableydii ka dambeysay falka lagu beegsaday Taliyaha Nabad Suggida Degmada Kaxda ayaa ka baxsaday goobtii ay weerarka ka gaysteen, waxaana ay wateen gaari NOAH ah oo ay ku baxsadeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE